Dhageyso:-Ahlusunna oo u diyaar garowday dhameystirka heshiiskii ay la gashay Galmudug

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca ee la midoobay Maamulka Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka qaba in ay qodobo muhiim ah ka soo baxaan Shirka ka dhacaya Dhuusa Mareeb.

Madaxweyne ku xigeenka Ahlusunna e la midowday Galmudug Cali Baashi oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dhameystirka heshiiskaas waqtigiisa uu aad u dhaw yahay isla markaana dhawaan la saxiixi doono.

Waxa uu sheegay in shirka ka dhacaya maalmaha soo socda Dhuusa Mareeb oo ay ka qeybgeli doonaan  Madaxda ugu sareysa dalka uu noqon doono shirkii ugu dambeeyay oo ay ku midoobaan Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna.

Magaalada dhuusa Mareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Galmudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay gaarayay wufuud kala duwan iyada oo saacadaha nasoo aadan uu tegi doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Ahlusunna.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media