Dhageyso:-7 Bilood kadib Sheekh Aadan Suni oo weli ku xiran M/Hargeysa

5 Bishii September Mudo hadda laga joogo 7 Bilood waxaa ciidamada Maamulka Soomaaliland ay Xabsiga dhigeyn Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) oo ka mid ah Culumada Magaalada Hargeysa.

Laamaha Amniga Soomaaliland ayaa Sheekha ku eedeeyay in uu waday falal la xiriira amnidarro iyo in uu sameeyey falal wax u dhimaya jritaanka Sooomaaliland,isaga oo abaabulay dhalinyaro qorsheynayay falal lidi ku ah amniga sida ay hadalka u dhigeen.

Ku dhawaad mudo 7 bilood ah ayaa haatan laga joogaa xariga Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) oo ka mid ah Culumada Magaalada Hargeysa welina wax Maxkamada ah lama soo taagin,iyada oo xiliga la xirayay uu Soomaaliland Madaxweyne ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Qaar ka mid ah Ehelada Sheekh ayaa waxa ay ugu baaqeen madaxweynaha Soomaaliland in ay xurriyadiisa siiyaan,iyaga oo ka deyriyay Xaalada Caafimaad ee Sheekh Aadan Sunni.

Sheekh Aadan Sunni ayaa ka mid aha dadka aad u dhaliilayay Siyaasada uu wax ku maamulayay Madaxweynihi xilka baneeyay ee Maamulka soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah Eheladiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media