Dhageysiga Kiiska Dacwada Xisbiga Sheekh Shariif oo dib loo dhigay

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa Maanta ayaa oo Isniin ah u fariisatay dhageysiga Dacwada Xisbiga Himilo qaran uu ka gudbiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xisbiga Hilimo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Dacwada ka gudbiyay Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya, taasi oo ku saabsan xayiraadii la saaray Sheekh Shariif xili uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Hayeeshee Maxkamadda Sare ee dalka ayaa dib u dhigtay dhageysiga Dacwada uu u soo gudbiyay Himilo Qaran muddo shan maalin ah, kadib markii  Codsi uga yimid Qareenadi u doodaayay Xisbiga Himilo Qaran.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Dacwada ka joojisay Garyaqaan Jimcaale oo kamid ahaa dareenadii u doodayay Himilo Qaran, waxaana Maxkamaddu sheegtay in Jimcaale uu ka yahay shaqaale dowladeed, isla markaana uu qirtay.

Dacwadan ayaa la xiriirta Go’aan Bishi September ee Sanadkan kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka ah kaasi oo lagu Joojiyay Diyaaradaha usocda Magaalada Kismaayo waxa sidoo kale loo Diiday Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmad in uu uduulo kismaayo, wallo markii dambe la fasaxay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media