Dhageysiga Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya oo Maanta bilaabaneysa

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Hague ee dalka Holand uu ka bilaabmo dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya oo muddo sanado ah soo jii-tameysay.

Qareenada matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda. Dowladda Kenya ayaa shalay iyadu shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa Maxkamada ICJ.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Isniinta oo maanta ah 3 galabnimo ilaa 6 maqribnimo ayay qareenada Soomaaliya gudbin doonaan doodooda. Sidoo kale waxay qareenada Soomaaliya ayaa Talaadada 16 bishan March 3 galabnimo ilaa 4.30 mar kale maxkamadda u soo bandhigi doona doodooda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan Hague ayaa waxaa uu sheegay in qareenada u dooda dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo aad u diyaarsan, isla markaan kiiska loo dhageysan doono maqal iyo Muuqaal ah oo xubno ka tirsan Guddiga dowladda ee halkaas ku sugan gudaha Maxkamadda ay geli doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor