Dhageysiga Dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo galabta la soo gabo gabeeyay

Dhegeysiga dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.

Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan Maarso, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.

Kenya waa ay ka maqnaatay dhegeysigan, mana jeedin dacwaddeeda, inkasta oo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.

Dacwaddani waxay billaabatay sanadkii 2014-ka, waxayna soo martay marxalado kala duwan.

Badda la isku hayo baaxaddeedu waa ku dhowaad 100 kun oo Kilomitir oo isku wareeg ah, Waxaana la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor