Maamulka gobolka banaadir ayaa soo saar war laxariira xirnaashaha wadooyinka Muqdisho Madaama Maalinta Arabada ay dhaceyso Doorashada madaxweynaha oo lagu qabanayo sida ay shaaciyeen Gudddiga Doorashada xarunta Afisiyooni.
Godoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta la hadlay warabaahinta aya sheegay in labada cisho ee soosocota ay xirnaan doonaan wadooyinka Magaalada waxaa uu ka cdosaday shacabka Muqdisho inay udulqaataan wax kasto oo uga yimaada wadooyinka inta ay xiranyihiin una samraan Ciidamada sugaya Amaanka.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in amaanka si aad ah loo sugayo labada Maalin ee soo aadan magaalada uusan jirin wax dhaqaaq ah sibuu yiri Doorashada ay ugu dhacdo si amaan ah loogana hortagao falalka amaan Dari ee Dhici kara.
Halkaan hoose ka Dhageeyso codka gudoomiyaha Gobolka.