(DHAGEEYSO):- Wadayaasha mooto bajaajka oo ka cabanaya cara-tuurka lagu sameeyey wadooyinka qaar ee muqdisho.

Darawalada kaxeeya mootooyinka bajaajka ee magaalada muqdisho ayaa ka cabanaya dhibaatooyin kaheesta marinka wadooyinka jidcadayaasha mutooyinka ay isticmaalaan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ay sheegeen darawaladu in Cara-tuurkii lagu sameeyey wadooyinkaas xiligii doorashada madaxweynaha aan wali laga qaadin islamaarkaana ay xiranyihiin wadooyinka qaar ee magaalada.

Ismaaciil Shaamoow oo ka shaqeeya Bajaajka waxaa uu uga waramay Radio Dalsan dhibaatooyinka ay ku qabaan Cara-tuurka ama agabka kale ee lagu xiray wadooyinka oo eysan dowaladu qaadin mar hadii ay dhacday doorashadii madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay halkii ay ka isticmaali jireen wadooyinka yar yar ee magaalada muqdisho in hada ay  isticmaalaan wadooyinka waaween taasina ay sababtay inay mashquul noqdaan wadooyinka ama ay ka daahaan iyagu halka marka hore ay dhaqso ku tagi jireen meesha ay uwadaan rakaabka saran Bajaajka.

Waxaa uu ka codsaday madaxda mamulka gobolka banaadir inuu arintaasi wax ka qabto loona furo wadooyi nkaas si ay ugu shaqeestaan darawalada mootooyinka Bjaajka oo hada si aad ah looga isticmaalo magaalada Muqdisho.

Dhinacakale Ismaciil Shaamow oo ah wade mooto Bajaajka waxaa uu sheegay in shaqadooda ay ku timid culees badan islamarkaana ay dib uga dhacaan meelaha ay rabaan dadka adeegsada mootooyinkaas oo ay sababto xiliyada qaar inay isku dhacaan dadka ay qaadaan mootooyinku maadaama wadooyinka qaar mootaadu aanu mari Karin.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media