Cabdi Fitaax Cali Afaraad Taliyaha Saldhiga Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta loo Taxabay Xabsiga Kadib Shaqaaqo Ka Dahcaday Degmadaasi waxaana loo Heestaa Rasaas uu Shalay Ku Furay Odayaal ku Sugnaa Degmada Kaxda.
Wararka aynu ka Heleyno Kaxda aya shegaya in laxiray Taliyaha oo lagu Eedeynayo Raasaas uu Ku Furay Dad Shacab ah oo ay Ku Jiraan Odayaal.
Waxaa rasaastaasi Ku Dhintay Mid Kamid ah Odayaasha iyadoo ay ku Dhaawacmeen Laba Kale Sida uu Dalsan usheegay Nabadoon Maxamed Sheekh Yuusuf oo isagu Dhaawac Fudud kasoo Gaaray Rasaasta Lagu Furay Shalay.
Xaalada Degmada Kaxda ayaa Hada Dagan waxaana Xabsiga ugu Jira Dhacdaaas Taliye Cabdi Fitaax Cali Afaraad oo u Xiran Kiiskaas.
Halkaas Hoose Ka Dhageyso Codka Nabadoon Maxamed Sheekh Yuusuf.