Labadii maalin aynu soo dhaafnay waxaa ay sariflayaasha muqdisho ay sheegeen inuu hoos u dhacay qiimaha sarifka lacagaha Doller-ka iyadoo ay meesheedii tahay qiimaha maciishada lakala siisto suuqyada muqdisho waxaana ay tahay mid ay aad u hadal hayaan dadku sababaha keenay isbadalka sarifka.
Aqoon yahan Abshir Aadan Cabdi oo Dalsan la hadlay ayaa tilmaamay hadii uu hoos u dhoco qiimaha sarifka laga dareemi lahaa aduunka waxaana uu ku sheegay mid dano gaar ah laga leeyahay isbadalkaan ku yimid Sarifka .
Waxaa uu aqoonyahan Abshir xusay inay tahay in lagala hadlo bangiyada dalka oo uu sheegay in u jeedo laga lee yahay hoosu dhaca sarifka maciishaduna halkeedii ahaato uu yahay mid la rabo in dhibaato loogu geesto shacabka iyo Dowlada Cusub.
Aqoonyahanka waxaa uu ku baaqay in maamulka bangiga dhexe ee dalka inay soo faragaliyaan arinkan oo ay ka hadlaan maadaama uu yahay mid la doonayo in la’isaga horkeeno dadka iyo Dowlada.
Dadka shacabka ayaa is weydiinaya sababaha keenay hoos u dhaca sarifka lacagaha qalaad iyo qiimaha maciishada oo ah halkeediii Waxana tan iyo isbadalka sarifka ee hoos udhacay dadku ka cabanayeen arinkaas lamana oga ujeedada dhabta ah ee keentay in hoos loo dhigo Sarifka.
Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Aqoyahan Abshir.