(DHAGEEYSO):- Hogaamiyaha Ahlusunna Wal-jamaaca oo muqdisho uyimid ka qeybgalka xaflada caleema saarka madaxweyne Farmaajo.

Hogaamiyaha gobalada dhexe ee Ahlusunna wal-jamaaca ayaa markii ugu horeysay maanta yimid magaalada muqdisho,waxaana uu ka qeyb galayaa caleema saarka madaxweynaha cusub ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo berri lagu caleema saarayo Muqdisho.

Sheikh Maxamed Shaakir iyo xubno lasocda ayaa goordhweyd soo gaaray magaalada muqdisho waxaana ay kasoo duuleen garoonka diyaaradaha ee degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud.

Waxaa uu sheegay mardhweyd oo uu Sheikh Shaakir warbaahinta kula hadlay muqdisho inuu martiqaad ka helay dowladda cusub ee Farmaajo islamarkaana uu ka qeybgalayo xaflada caleema saarka ee Madaxweynah cusub oo lagu wado berri inay ka dhacdo magaalada muqdisho.

Maamulka gobalada dhexe ee Ahlusunna ayaa soo dhaweeyey markii madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo kusoo baxay doorashada madaxweynaha ee dhacday seddeedii bishaan waxaana ay taageereen doorashada madaxweynaha iyo in la doorto Farmaajo halka ay markii hore si weyn kaga soo horjeedeen dowladii hore ee madaxweyne Xassan Sheikh.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Codka Sheikh Shaakir.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media