Qaar kamid ah culimada ku sugan deegaanada maamulka Punland ayaa ka hadlay heerka abaaraha daran ee ka jira deegaanada maamulkaas,islamarkaana sheegay in xaalado nololeed ay ka taaganyihiin degaanada qaar ee maamulka,waxaana ay tilmaameen inay dadka haysato dhibaabto dhinaca nolosha.
Culimada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa sheegay inay kala daranyihiin dadka,islamarkaana qaarkood eysan heysan wax ay cunaan ama cabaan isalamarkaana ay ka dhamaadeen xoolihii ay heesteen dadkaasi.
waxaa ay ku baaqeen in laga hortago dhibaatada abaareed ee kajirta Punland, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira abaarta ka jirta Puntland oo ay soo jeediyeen in loo gurmado dadkaasi .
Halkaan hoose ka dhageyso codka.