(DHAGEEYSO):-Barakac ka bilowday degamda Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wararka naga soo gaaraya degmada xarardheerer ee gobolka mudug waxaa ay sheegayaan in dadku ay bilaabeen inay barakacaan kadib markii ay ku dhaawaadeen ciiddamada huwanta oo wada howlga ka dhan ah Al-shabab.

Dadka kunool xarar dheere ayaa muujinaya cabsi ah dagaal ka dhaca degmadaasi xili ciidamada dowaladda iyo kuwa galmudud ay kusii dhawaanayaan Xarardheere.

Wariyaha Dalsan ee Galakcyo Maxamed Cabdullaahi Baxnaaniye ayaa soo sheegaya in barakac xoogan uu ka bilawaday degmada xarardheere waxaana dadku ka foganayaan waxyeela kasoo gaarta dagal dhaxmara  Al-shabaab iyo ciddamada Dowlada.

Degmada xarardheere ee gobolka mudug waxaa Sagaal-kii sano ee ugu danbeeyey gacanta ku hayey Al-shabaab waana magaalo ay ku xooganyihiin shabaab iyadoo ciiddamada dowladda, kuwagalmudug oo ay taageerayaan ciiddamo cadaan iyo diyaarado dagaal ay doonayaan inay shabaab ka saaraan degmadaas.

Halkaan Hoose ka Dhageeyso Wareysi Wariyaha Dalsan Galkacyo.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media