Dhageeysiga Khudbadaha Musharaxiinta Maanta Oo Lasoo Gabagabeeyey.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Markale waxaa uu Dhageestay Khudbadaha Musharaxiinta Utaagan Xilka Madaxtinmo Ee Dalka Waxana Xarunta Golaha Shacabka Lagu Soo Gabagabeeyey Qeytii Labaad ee Dhageysiga Khudbadaha.

Waxaa Maanta Hortagay Baarlamanka oo usheegay Barnaamijkooda Wax Qabad  Ilaa 7 Musharax  waxaana  Eng. Cabdullaahi Cali Xassan oo  ahaa Musharixii 8-aad uu Ku Dhawaqay Maanta  inuu Tanaasulay Kahor inta eysan Bilaaban Dhageysiga Khudbadaha.

Musharaxiinta ayaa Midkastaa waxaa uu ka Hadlay Waxa uu Qaban Doono Haddii Loo Doorto Xilkaan waxaana ay ahaayeen:-

1 Dr Cabdinaasir Maxamed Cabdulle

2 Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame

3 Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole

4 Cadow Cali Gees

5 Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

6 Cabduqaadir Cosoble Cali

7 Cali Xaaji Warsame

Waxa Birri oo Axad ah 5-ta bisha Lasoo Gabgabeen Doona Hadal Jeedinta Musharaxiinta iyadoo Seddeeda Hartay ay Bari jeedin Khudbadahooda waxaana  Maalinta Arbacada Dhici Doona Doorashada Madaxweynaha oo ay Ku Tartami Doonaan 23-tan  Musharax.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media