Dhageeysiga Khudbadaha Musharaxiinta KGS oo maanta bilaaban doonta

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 16-ka bishaan ay bilaaban doonoto Khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay hortagaan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi,isla markaana ay horjeediyaan Khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkood ku aadan markii xilka ay qabtaan.

Khudbad jeedinta Musharaxiinta ayaa waxa ay ku egtahay sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya maalinta Bbiri oo taariikhdu tahay 17-da Desember 2018.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dalbaday in dib loo dhigo Doorashada,Maadaama uu xiran yahay mid kamid ah Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Rooboow Cali Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa labo maalin kahor Ciidamada Itoobiya ay ka soo xireen Magaalada Baydhabo,isla markaana la keenay Magaalada Muqdisho.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa loo qorsheeyay in ay dhacdo 19-ka bishaan oo ku beegan Arbacada soo socota.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media