Dhagayso:-Xukuumadda Soomaaliya oo digniin u dirtay Hay’adaha ka shaqeeya wacyi gelinta Gudniinka Fircooniga

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha wacyigalinta gudniinka Fircooniga.

Agaasimaga guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali ayaa sheegay in Wasaarada ay siyaasad ahaan ugu jirto sidii ay u ciribtiri laheyd gudniinka Fircooniga,islamarkaana sheegay in arrimahaas ay iska kaashan doonaan Wasaarado badan.

Sidoo kale waxaa uu sheega Agaasimaha in ay jiraan dad badan oo sheeganaya Hay’ado, islamarkaana dhaqaalo ku soo qaatay sidii ay ugu hortigi lahaayeen gudniinka Fircooniga,isaga oo dhaliil u jeediyay dadkaasi.

Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali ayaa yiri “waxaa maalin dhaweyd arkaaye qolo dhaheysa waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya dhaqaatiir iyo Culimo la isku keenay si loo joojiyo arrimaha gudniinka fircooniga”  ayuu yiri Agaasimaha.

Waxaa uu sheegay in sharciyo la diyaariyay, islamarkaana Baarlamaanka la horgeeyay,waxa uu nasiib daro ku timaamay in hay’ad walbo dalka iska timaado oo ay ka hadasho arrimaha gudniinka Fircooniga.

Agaasime Xaashi ayaa dardaaran u jeediyay dadka ka hadla arrimaha gudniinka Fircooniga,waxaana uu kula dardaamay in ay la tashiyo la sameeyaan Wasaaradaha ku shaqada leh arrimahaasi.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Agaasimaha 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor