Dhagayso:-Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir oo sheegay in uu ka shaqayn la,yahay xildhibaano

Gudoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si faahfaahsan uga hadlay caqabadaha maxkamadda gobalku ay kala kulanto isqab-qabsiga la xiriira dhulalka.

Aweys Sheikh C/laahi gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir ayaa cadeeyay  dacwadaha ugu badan ee ay qabtaan in ay la xiriiraan dhulalka iyada oo sida uu sheegay ay cayriyeen dad wata lacag iyo waraaqado dhul oo lagu soo sameeyay Cabdala Shideeye.

Gudoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa daaha ka qaaday in uu ka shaqayn la,yahay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir aya waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo shalay gudoomiyaha Gobabalka Banaadir uu isaguna sheegay in maamulkiisu uu ka shaqayn la,yahay masuuliyiin ka tirsan dowladda oo siada uu sheegay dano gaar ah ka leh gobalka Banaadir.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media