Dhagayso:- golaha wasiirada K/galbeed oo ka dooday dhisida maxkamadda ciidamada

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulankoodii Khamiis laha  ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo ee gobalka ayaa ka hadlay Ansixinta laba Ajande oo muhiim ah.

Kulanka Golaha Wasiirada waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Barakacayaasha iyo Hindise Sharciyeedka Xalka Waara waxaana goob jog ahaa dhamaan golaha iyada oo warbixino laga dhagaystay Wasiirka amniga  Koonfur Galbeed Xasan Xuseen (Eelaay).

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi,Markii uu so dhamaaday waxaa warbahinta la hadlay si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Amniga iyo Afhayeenka maamulka Koonfur-galbeed

Halkaan ka dhagayso Codka Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor