Dhagayso:- Faah Faahin Qaraxii Saaka Ka Dhacay Muqdisho

Wararka Dheeraadka ah ee naga soo gaaraya degmada Hodan ee magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada Taleex ayaa waxa ay sheegayaan in goobtaasi goor dhow uu ka dhacay Qarax Gaari.

goobjoogayaal goobta uu qaraxu ka dhacy ku sugnaa ayaa xafiiska warqabadka ee Radio Dalsan u sheegay in Gaariga qarxay ay saarnaayeen laba ruux, oo uu ku jiro darawalka gaariga kaxeynayay, halka midka kalena uu fadhiyay kursiga kale ee ku xiga.

Waxaana Labada ruux ee Gaariga saarnaa soo gaaray dhaawac, ninkii gaariga kaxeynayay ayaa magaciisa lagu soo koobay Catoosh waxana soo gaaray dhaawac culus, sidoo kale gaariga nuuciisa ayaa waxa uu ahaa kuwa raaxada burbur xoogan ayaana  soo gaaray.

Waxaa Durbadiiba gaary goobta uu qaraxu ka dhacay ciidamada amaanka iyaga oo bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaa cidda soo maleegtay shirqoolkaas dhaawacyada labadaasi ruuxna waxaa loola cararay cisbitaalo ku yaala muqdisho

Halkaan Ka Dhagayso Codka Goobjooge Ku Sugnaa Goobta Uu Qraxu Ka Dhacy.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media