Dhagayso:- Ciidamada Kenya Oo Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Ku Dilay Ceel-Waaq

Ciidamada ka tirsan ku Keenya ee ku sugan gobolka Gado ayaa sargaal ka tirsana ciidamada dowladda waxa ay ku dileen degmada Ceel-waaq ee gobalkaas.

Gaashaanle Aadan Jeele Faarx oo ka tirsaan saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka gado ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyay in ciidamada dowladda oo Cee-waaq ka wada howlgal ay kusoo dheceen ciidamo ka tirsan Kenya isla markaana ay ka dhaltay halkaas kala shakin lbad dhinac ah waxaana halkaas ka dhashay khilaaf rasaas ay daba joogtay.

Gaashaanle Aadan oo sii hadlaya ayaa sheegay in khasaara labada dhinac ah ay jirto laakiin uu xaqiin karo kaliya dhimashada halkaas sarkaal iyo dhaawacya kale oo uu tirakoobkoodo uusan hayn.

Aroortii hore ee saaka oo jimca ah ayuu dagaalkaasi ka dhacay iyada oo hada xaalka dagmada uu yahay mid dagan isku socodkii dadka iyo gaadiidka oo hakad galay ayaa hada dib loo furay.

Dhanka kale Kenya oo war ka soo saartay dagaalkan iyo dhimashada sarkaalka ka tirsan ciidamada xooga ayaa waxa ay sheegtay in Ciidankooda aysan qeyb ka aheyn dagaalka, isla markaana Ciidamo iyaga ka tirsan ka bixin xerada ay ku leeyihiin xuduudka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Hadalkaan ka soo baxay Kenya ayaa u muujinaya mid ay isaga fogeeneyso weerarka khasaaraha dhaliyay ee Ciidankooda ay ku qaadeen Ceel-waaq, sida ay Dalsan u xaqiijiyeen dadka degaanka oo sheegay in Ciidanka Kenya ay ahaayeen kuwa weerarka geystay.

Halkaan Ka Dhagayso Codka Sarkaalka Ciidamada Dowladda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media