Dhagayso:- Adeega Gaadiidka Gurmadka deg dega ah Aamin Ambulance oo halis ugu jira in uu istaago

Waxaa maanta shir Jiraa,iid u qabtay Warbaahinta Madaxa Adeega Gadiidka Gurmadka Deg dega ah ee yaqaano Aamin Ambulance,iyagoo sheegay inay soo foodsaartay mushaar la’aan.

Madaxa Gaadiidka degdegga ah ee Aamin Ambulance Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in gaadiidkan uu shaqeynaye muddo ku dhow 10 sano,islamarkaana sheegay in mudasi ay qaadeen dhaawacyo gaaraya ku dhawaad 30 kun dhaawacyo ah.

Waxa uu Cabduqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Yuusuf sheegay in shaqadaan  ay bushada u hayaan ay ka cabsi qabaan in ay joojiyaan balse sheegay inysan joojin doono inta ay ku dhameyso wax dhibic dhiig ah,waxaana sidoo kale uu sheegay in Dr.C/qaadir adeeggan Aamin Ambulance ay ku bixiyaan murux iyo maskax,isagoona xusay in wax taageero ah ka heysan dowlada iyo hay’addo.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in gurmadka ay bushada Soomaaliyeed u hayaan uu yahay mid aad u culus loona baahan yahay in la joogteyo,islamarkaana sheegay inay iyaga isku tashan doonaan oo ay jeebkood ku tashanaayan.

Gaadiidka Gurmadka degdegga ah ee loo yaqaano Aamin Ambulance ayaa waxa uu shaqo weyn u haayan buslaha Soomaaliyeed ,iyadoon dadaka Shacabka ah u fidiya gurmad Caafimaad.

Halkaan Ka Dhagayso Codka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor