HomeWararDhaawacyada Qaraxyadii ka dhacay Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo la keenay Muqdisho

Dhaawacyada Qaraxyadii ka dhacay Buulo-burte iyo Jalalaqsi oo la keenay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Waxaa magaalada Muqdisho xalay la keenay dadkii ksuoo dhaawacmay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka kala dhacay degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarad gaar ah ka dirtay Muqdisho, isla markaana dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Hiiraan kasoo kala qaaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa magaalada Muqdisho xalay la keenay dadkii ksuoo dhaawacmay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka kala dhacay degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarad gaar ah ka dirtay Muqdisho, isla markaana dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Hiiraan kasoo kala qaaday degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi, waxaana la keenay magaalada.

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa laga soo dejiyey 17 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo durbadii la geeyay Isbitaalada, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Maareenta musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud iyo xubno kale oo kamid ahaa dowladda ayaa ku sugnaa Garoonka.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Guddoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka kala dhacay degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxii Buulo-burte lagu burburiyey qeyb kamida Buundadii magaalada oo muhiim u aheyd isku socodka gaadiidka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts