DFS oo War kasoo saartay Caawa khasaaraha Dagaaladii ka dhacay Sargo iyo Qodqod

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ayaa Galabta dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabsaday deegaannadaasi lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo kamid ahaa AS, iyada oo sidoo kale looga gubay afar gaari, lagana qabsaday  labo gaari iyo hub badan.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay inuu dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidanka xoogga iyo Al-Shabaab, isla markaana Shabaabka ay weerar xooggan ku qaadeen deegaannada Sargo iyo Qodqod, ayna ciidamada iska difaaceen weerarkaasi oo ka yimid dhanka  deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee AS ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka” ayaa lagu yiri Warka dowladda Caawa soo saartay.

Weerarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo gelinkii dambe ee shalay uu deegaanka Ceel-lahelay ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal khasaaro badan dhaliyay, waxaana Shabaabka ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen ciidankii DANAB ee halkaasi joogay, ayna  ka qabsadeen hub iyo gaadiid, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply