DFS oo Maanta ka qeyb gashay Shir muhiim u ah dib u habeynta dhaqaalaha

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Afrika iyo Bangiga Adduunka ee IMF.

Shirkaan oo ay marti gelisay dowladda Burundi ayaa waxaa inta uu socday diiradda lagu saaray Arrimo ku aadan soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Beyle oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in shirka oo uu uga qeyb galay aalada ZOOM-ka uu muhiim u ahaa horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxa aan ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Afrika iyo Bangiga Adduunka/IMF oo aan diiradda ku saarnay arimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka. Ka qeyb galka Shirkan waxa uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u mahadceliyay Dowladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay, kaasi oo diirada lagu saaray soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor