DFS oo loogu baaqay inay sharciga soo taagto kuwa dhibaateeya Suxufiyiinta

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Is-dhaafsiga Xorriyadda Hadalka Afrika ee (AFEX) ayey ku sheegtay inay aad uga waalaacsan yihiin xaalladda ka sii darayso ee Anmaanka Suxufiyiinta ka hawlgala gudaha Somalia

Hay’adda AFEX waxay ka codsadeen DFS inay  wax badan ka qabtaan Ammaanka Suxufiyiinta, loona oggolaado inay Suxufiyiinta si aan cabsi lahayn u gutaan waajibaadkooda Suxufinimo iyo in sharciga la soo taago kuwa beegsada Suxufiyiinta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Haya’ddu waxay kaloo ugu baaqday Boliska Soomaaliyeed inay baaritaan ku sameeyaan dadkii ka dambeeyey qarixii bishan 4-dii  lagu dhaawacay  Ismaaciil Shiikh Khaliifa oo ah Agaasimaha Idaacadda Hiddo iyo  Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta u dooda Xuquuqda Suxufiyiinta ee Somalian Human Rights Journalists (HRJ.

Dhinaca kale, Hay’adda Is-dhaafsiga Xorriyadda Hadalka Afrika ee (AFEX) waxay tilmaamtay inaysan wax cusub ahayn in Qaraxyo lala beegsado Suxufiyiinta Soomaaliiyeed, waxayna tusaale u soo qaatay Qarixii bishii December 11-dii ee sannadkii hore lagu dilay Weriye Maxamed Ibraahim Gaabow, kaasi oo u shaqeyn jirey Telefishinka madaxa bannaan ee Kalsan TV.

Xigasho: africafex.org

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor