DFS oo la wareegtay Guddoonka Golaha Midowga dhaqaalaha dalalka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo maanta lagu wareejiyay xilka guddoomiyenimo ee Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Dr. Cilmi Maxamuud ayaa magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan uga qayb-galay Shirka Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta oo sanadkaan ay Shir-guddoon ka aheyd Dowladda Suudaan.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi M. Nuur ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo ku saabsan marxaladda maanta ee Soomaaliya, sida dib-u-haneynta Maaliyadda, dhameystirka Deyn-Cafinta iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Gabagabadii shirka, waxaa Dowladda Soomaaliya lagu soo wareejiyay shir-guddoonka golaha oo guddoomiye looga dhigay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo xilkaan heyndoona ilaa sanadda dambe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor