DFS oo kulan Deg-deg isugu yeertay Diblomaasiyiin ku sugan Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah isugu yeertay Diblomaasiyiinta fasax la’aanta ku jooga gudaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa fasaxa heysta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xasan ayaa waxaa Diblomaasiyiinta ku qoran Safaaradaha Dibadda ee Somalia kuna Muqdisho loogu wargeliyay inay soo xaaridaan Xarunta Wasaaradda 14-ka bishaan November 2020.

Dhammaan Diblomaasiyiinta ku qoran Safaaradaha Dibadda ayaa waxaa la faray inay kasoo qeyb galaan kulanka deg-dega ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya isugu yeertay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Diblomaasiyiin dhowr ah oo dowladda federaalka ugu qoran  Safaarado Dibadda ah, kuwaasi oo qaarkood fasax ku jooga Caasimadda, halka kuwo kalena ay u joogaan arrimo gaar u ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media