DFS oo Digniin u dirtay Maraakiib kalluumeysi sharci darro ka wada xeebaha

Kolonyo maraakiib kalluumaysi ah oo laga leeyahay waddanka Iiraan ayaa waxaa lagu arkay iyagoo ka howlgalaya biyaha Soomaaliya oo si sharcidarra ah halkaas uga kalluumaysanaya, sida uu sheegay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Wasiirka oo la hadlayay BBCda ayaa sheegay in bartamihii Bishii Maarso ay digniin u direen dowladda Iiraan hasayeeshee aanay aanay wax tallaaba ah qaadin.

“Maadaama Iiraaniyiinta naga dhaxayn xiriir diblumaasiyadeed, dhibbay nagu noqotay inaan markiiba gaarno laakiin dacwaddaas waannu gudbinnay wayna haystaan, markii ay waxba ka qaban waayeenna adduunweynaha iyo ciddii kale ee aan rabnay inay garab naga siiyaan tuuganimadaas cad oo bareerka ah baan u gudbinnay,” ayuu yiri wasiir Bidhaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la timid qalab casri ah oo ka caawin kara la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee xeebaha dalka.

Kalluumaysiga sharcidarra ah ayaa ah mid si weyn ugu baahsan biyaha Soomaaliya walow ay badda ku sugan yihiin ciidamo caalami ah oo ka kala socda dalal kala gadisan

Bishii Maarso, dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay uga digtay dalalka Iiraan iyo Pakistan kalluumaysiga sharcidarrada ah ee ay ku hayaan biyaheeda. Dowladda ayaa waxa ay hore u xirtay tobannaan kalluumaysato oo u dhalatay dalka Iiraan oo la qabtay iyagoo ka kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media