DFS oo beenisay warar ku aadan Kiiska Badda oo lagu faafiyay Baraha Bulshada

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi oo Kiiska Badda u qaabilsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha Bulahada maalmihii dambe.

Safiir Cali Fiqi ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dareenadii difaacayay dhanka Muranka Badda ee Somalia inay shaqada ka tageen ,isla markaana waxaa uu sheegay in weli dareenada ay shaqadooda si toos ah u gudanayaan.

Sidoo kale Safiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in Haweeney lagu magacaabo Muna Sharmaan kana mid aheyd qareenada Soomaaliya ee dhanka badda ay shaqada ka tegtay,kadib markii ay fasax weeydiisatay Madaxwene Farmaajo,hayeeshee aysan jirin qof kale oo ka tegtay.

Hadalka Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi oo Kiiska Badda u qaabilsan dowladda ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo maalmihii dambe ay soo baxayeen warar lagu siyaasadeynayo Kiiska Badda .

Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa waxaa haatan ka furan Kiisa Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,kaasi oo la dhageysan doono sanadka soo socda ee 2020-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media