DFS oo Amar ku bixisay in la siidaayo dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in la sii daayo afar ruux oo horay looga shakiyay inay qabaan Cudurka halista ee Coronavirus ee kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka oo ku qornaa Luuqada English-ka ayaa lagu sheegay in dadkaas oo ku karantiilnaa Isbitaalka UN/AMISOM ee Muqdisho lagu sameeyay baaritaano, hayeeshee Cudurka laga helay mid kamid ah, sidoo kalena lagu celiyay baaritaan laba jeer ah, iyadoo markii dambe laga waayay.

Saddex qof kale ayaa iyaguna waxaa lagu sameeyay labo baaritaan, waxaana laga waayay Cudurka halista ee Coronavirus, iyadoona la amray in la sii daayo.

Afarta ruux ee lasii daayay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Yuusuf Yaasiin, Cabdicasiis Cabdirisaaq Cismaan, Ducaale Jaamac Maxamuud iyo Ibraahin Maxamed Yaasiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Magaalada Muqdisho laga helay saddex ruux oo qaba Cudurka COVID-19, kuwaasi oo dowladda ay ku karantiishay Xarumo gooni ah oo loogu talagalay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo ku qoran Luuqada English-ka.

Comments
Loading...