DFS iyo Mareykanka  oo sheegay In weeraro Cirka ah ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ay saddex weerar oo cirka ah ku qaaday Al-Shabaab, duqeymahaas oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qiimeynta hordhaca ah ee dowladda Soomaaliya iyo taliska AFRICOM ay ka soo saareen howladaas waxaa lagu sheegay in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana intaas ay ku dareen inuusan jirin wax khasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaaray duqeymahaas.

Ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay Duqaymahaasi ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qoraalka ay soo saartay Dawladdu ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM qaadeen tallaabooyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka. Kuwaasi oo ka duwan weerarradii hore.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor