Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu guul weyn ka gaaray tuulada Gaalware, oo ku taalla 4km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo si taxaddar leh loo fuliyay ayaa lagu dilay in ka badan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen saddex horjooge oo sare oo door weyn ku lahaa abaabulka falalka argagixisanimo.
Intaa waxaa dheer, ciidamada Danab ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub fara badan oo ay Alshabaab adeegsanayeen. Hubka la qabtay ayaa waxaa ka mid ah lix qori oo ah nooca PKM, labo RPG iyo 17 qori oo AK-47 ah. Sidoo kale, waxaa la burburiyay xarumo iyo qalab ay kooxdaasi u adeegsanayeen weerarro qorshaysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay markale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay ciribtirka Alshabaab, ilaalinta amniga guud ee dalka, iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, iyada oo iskaashi buuxa la leh Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed.