DF oo Golaha Amniga u gudbisay caddeymaha Duqeymo Kenya ka geysatay dalka

Safiirka Somaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa ayaa maalmahan soo hagaagaya, kadib markii dowladda Federaalka ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirkii labada dal, sidoo kalane Kenya ay soo dhaweysay.Si kastaba duqeyntii ugu dambeysay ee Kenya ka fulisay deegaanka Ceel-cadde iyo deegaano kla oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ku geeriyooday hooyo iyo canug ay dhashay, halka dad kalena oo u badan Carruur ay dhaawacyo soo gaareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor