Degmada Xamar weyne oo laga bilaabay bur burinta dhismayaasha sharci darrada ah

Maamulka degmada Xamar weyne ayaa howlgallo lagu burburinayo dhismayaasha sharci darrada ah maanta ka billaabay suuqa dahablaha ee Degmada Xamar weyne.

Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Mudane Cumar Shariif Jeeg ayaa suuqa Dahablaha ee Degmada maanta ka billaabay howlo dib loogu furayo waddooyinka xiran ee suuqaasi, iyadoo la burburiyay dhamaan dhismayaal si sharcidarro ah looga dhistay hareeraha waddooyinka.

Guddoomiye Jeeg ayaa sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay qorshaha maamulkiisu uu ku soo celinayo bilicdi iyo nadaafaddi suuqaasi, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Degmada Xamar weyne iney gacan ka geystaan hirgelinta nidaamka dowliga ah oo ay u hogaansamaan awaamiirta ka soo baxaysa maamulka Degmada.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Cumar Shariif Jeeg uu hore ugu digay kuwa sida sharcidarrada ah ugu ganacsada hareeraha suuqa, wuxuuna wacad ku maray in uu soo celinayo nidaamki iyo kaladambeynti, isagoo hoosta ka xariiqay in uu dhamaaday musuqmaasuqa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media