Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamamuud Maxamed Cumar Filisha ayaa guddoomiye Cusub u Magacabay degmada Shibis.
Cali Axmed Cabdulle ( Cali Soomaali) ayaa loo magacabay guddoomiyaha Cusub ee degmada Shibis, waxaana horay xilka guddoomiyaha degmada looga qaaday Cabdiraxamaan Sayid Cali bishii April ee aynu soo dhaafnay.
Guddoomiyaah Cusb ee la Magacaabay ayaa ahaan jiray Wariye ka howlgali jiray mid ka mid ah Warbaahinta Madaxa bannaan, waxaan degmada loo magacaabay ay dhawaanahaan ahayd mid guddoomiye la’aan ah.