Tan iyo markii uu Garsoore ka tirsan Federalka Maraykanka si KMG u laalay Amaarkii Donald Trump ayaa waxaa bilowday inay Dadkii uu saameeyey Xayiraadii Safarka ay haatan bilaaban inay tagaan Garoomadda Diyaaradaha, si ay ugu safraan dalka Maraykanka.
Garsoore James Robert oo ka tirsan Maxkamadda Heerka Degmo ee magaalladda Seattle ayaa sheegay inuusan qofna ka sarreynin Sharciga, xitaa Madaxweynaha.
Haddaba, Hay’adda Maraykanka ee Canshuuraha iyo Ilaalinta Xuduudaha (The US Customs and Border Protection (CBP) ayaa soo saartay Qoraal La-talinta oo ku socota Shirkadaha Diyaaradaha, taasi oo loogu oggolaaday inay soo qaadi karaan Rakaabka ka soo jeeda 7-da Waddan ee Muslimka horey looga xayiray inay tagaan Maraykanka.
Afhayeen u hadlay Shirkadda Qatar Airways iyo Shirkadda kale ee Unuted Airlines ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera inay qaadi doono dhamaan Rakaabka haysta Dukumentiga Safarka ee Hagaagsan, kuwaasi oo uu dhibaateeyey Amarkii Donald Trump.
Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa noqotay Shirkaddii ugu horreysay ee sheegtay inay bilowday inay qaadayso Rakaabka u dhashay 7-dal ee uu saameeyey Amarkii Donald Trump kaga xayiray inay soo galaan Maraykanka.
Hadal ka soo baxay Shirkadda Qatr Airways ayaa sheegtay inay u oggolaatay Rakaabka u dhashay dalalka Somalia, Syria, Sudan, Yemen, Iran, Iran iyo Libya inay raaci karaan Duullimaadyadda ku sii jeeda dalka Maraykanka.
Shirkadda Diyaaradaha Masar ee Egypt Air iyo shirkado kale ayaa u sheegay Xafiisyadooda Iibinta Tikidhada inay dadka u oggolaadaan dadka uu saameeyey Go’aankii Trump inay dib isugu qoraan Duulimaadyadda (to book flights).
Shirkadaha kale ee Air France, Spain’s Iberia iyo Lufthansa ayaa iyagana qaatay go’aan ay ku qaadi doonaan Rakaabka dalalka horey looga xayiray Maraykanka.
Laakiin, Websaytadda Shirkadaha kale ee Gulf Airlines, Etihad iyo Emirates waxaa weli ku qoran Ogeysiiska Amarkii uu Donald Trump soo saaray bishii hore 27-da.
Dhinaca kale, Soomaalida haysata Fiisaha ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Garoonka Addis Abeba, kadib, markii ay Saraakiisha Shirkadda Diyaaradaha Ethio u diideen inay u dhoofaan Maraykanka.
©Radio Dalsan