(DEGDEG): Sawir-qaade ka tirsan Universal TV oo ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa

Abaarihii 08:00 Aroornimo ee saakayto waxaa qarax xooggan laga maqlay Degmadda Xamar-weyne ee magaalladda Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah Shaqaalaha Universal TV oo lagu magacaabo C/xamiid Karazaay, kaasioo la sheegay in qaraxa loogu rakibay gaarigiisa.

Wararku waxay sheegayaan inuu dhaawac culus soo gaaray C/xamiid Karasaay, sida ay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta.

C/xamiid Karasaay waxa uu ahaa Sawir-qaade ka tirsan Qeybta Tifaftirka Muuqaalladda ee Xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho.

Ciiddanka Ammaanka ayaa soo gaaray goobta uu qaruxu ka dhacay, waxaana Weriyaha loola cararay mid ka mid ah Isbitaalladda.

Ma aha markii ugu horreysay ee Shaqaale ka tirsan Suxufiyiinta Soomaalida lala beegsado Qarax loogu xiro gaariga uu watay.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media