Ra’isul-wasaare Edouard Philippe waxa uu duhurnimadii maanta ku dhawaaqay in ay Dowladda go’aan ku gaartay in la hakiyo qorshahaasi, kadib, markii ay Dibadbaxyo lixaad leh ka dhaceen magaallooyinka dalkaasi.
Waxa uu xusay in qorshahaasi dib loo dhigo muddo 6 bilood ah, isagoo dhanka kalena sheegay in loo baahan yahay in carada dadka dhagaha ama indhaha laga qabsado.
Dibadbaxayaal watay Jaakado midab hurdi leh ayaa waxay maalmihii la soo dhaafay Dibadbaxyo rabshado watay ka dhigeen magaallooyinka dalka Faransiiska, iyagoo ka soo horjeeday Qiimo-kordhintaas iyo xaalladda maciishadda ee ay wajihi karaan.