DEGDEG:  Rasaas xooggan oo loogu dabaaldegayo Murashax Farmaajo oo laga maqlayo Muqdisho.

Waxaa goor dhow magaalladda Muqdisho ka bilaabantay rasaas u muuqatay in loogu dabaal degayo Murashax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Cod badan ka helay Wareegga 2-aad ee Doorashadda Madaxweynaha ee haatan ka socota Xeradda Afisiyooni.

Waxay u muuqataa inay Ciiddan taageersan Murashax Farmaajo  ridayaan tacshiirad u muuqato dabaaldegga.

Dad badan ayaa isugu soo baxay qeybo ka mid ah Muqdisho iyagoo ku dhawaaqayey Hambalyo Madaxweyne Farmaajo.

Dabaaldeggan ayaa bilowday iyadoo Farmaajo iyo Xasan Sheekh u soo gudbeen Wareegga 3-aad ee Doorashadda.

La soco Natiijadda Insha Allaahu.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media