(DAAWO): Nin doonayey inuu dab qabadsiiyo Kacbadda Barakaysan oo la qabtay.

Ciiddanka Ammaanka Sacuudiga ee ku sugan Kacbadda Barakaysan ee Maka Al-mukarama waxay gacanta ku dhigeen Nin doonayey inuu dab qabadsiiyo Kacbadda.

Barta Twitter-ka Ciiddanka Ammaanka ee Kacbadda Barakaysan ayaa lagu faafiyey Muuqaal Video Yar “Clip Video” oo ku saabsan Isku-daygaas la fashiliyey.

Eeedeysanaha ayaa la sheegay in la qabtay, xilli uu faraha kula jiray dembigaasi.

Wargeyska Al-waddan ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa qoray inay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen inay  Ciiddanka Ammaanka ku guuleysteen inay qabtaan Eedeysanahaasi, xilli uu Bansiin uu watay ku daadinayey gudaha Barxadda Kacbadda si uu Ololka dabkaasi u saameeyo Kacbadda.

Balse, Ciiddanka Ammaanka ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan  Falkaasi caddowtooyadda leh.

 

Dhinaca kale, Boliska Sacuudiga weli wax war ah kama soo saarin  magaca Eedeysanaha iyo Waddanka uu ka soo jeedo iyo Faahfaahinada kale.

Warar ayaa sheegaya in Eedeysanaha uu ahaa Nin madaxa looga jiray oo waalnaa, balse ma kala cadda ujeedada uu ka lehaa falkaasi.

 

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media