5 qof ayaa ku geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii dabley wejiga soo hagoogtay ay rasaas ku fureen dad salaadii Cishaha ku tukanaysay Masjid ku yaalla Xarunta Dhaqanka Islaamka ee magaalladda Quebec (Kubeek).
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaa 3 dabley geysteen Toogashadaasi, xilli ku-dhawaad 40 qof jameeco ahaan u tukanayeen Salaadda Cisaha ee Xilliga dalka Kanada.
Wasiirka Ammaanka Dadweynaha ee dalkaasi, Ralph Goodle ayaa bartiisa Twitterka ku qoray inuu aad uga tiiraanyeysan yahay dadka naftooda waayey iyo kuwa lagu dhaawacay Toogashadaasi.
Afhayeenka Boliska magaalladda Quebec ayaa u sheegay Saxaafadda inay jiraan dhibanayaal badan iyo dhimasho badan.
Waxa uu intaasi ku daray in 2 Eedeysane loo xiray falkaasi, oo mid ka mid ah la baacsaday xilli uu doonayey inuu baxsado.
Bishii June ee sammadkii hore, kuna beegnayd bisha Barakacaysan ee Ramadaan, waxay Kooxaha Islaam-nacaybka Kanada madax Doofaar dhigeen Albaabka laga galo Masjidka ay xalay ka dhacday Toogashadda sababtay dhimashada iyo dhaawaca.
©Radio Dalsan