DEGDEG: Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo haatan ka soo degay Garoonka Aadan Cadde

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Wafdiga oo ay ka mid tahay Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Aamina Maxamed Jibriil ayaa ka qeyb geli doona Munaasabadda Caleema-saarka ee Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa horey Muqdisho u soo gaaray Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Guuleed iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia iyo Wafuud kale oo ka kala socda dalal kale.

La soco wixii ku soo kordha Wafuud Caalamiga ee la filayo inay soo gaaraan Muqdisho.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media