Warar lagu kalsoonaan karo oo ay Radio Dalsan heshay ayaa muujinayo inay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka go’aan ka gaareen 2 Qoddob oo ka mid ah Ajendayaasha caqabadda ku noqday Meertadda Wada-xaajoodkooda ee maalmihii la soo dhaafay uga socday Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Qoraal qabyo ah oo ka mid ah War-murtiyeedka ay sida wadajirka u saari doonaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka oo loo soo dusiyey Radio Dalsan ayaa lagu go’aamiyey:
- In la isku raacay in la laalo 11-kii xubnood ee ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafka Doorashadda horey uga saareen Liiska Xildhibaanadda ku soo baxay Doorashaddii Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
- In Musharax kasta oo u tagaan xilka Madaxweynenimadda inuu bixiyo Kharajka diiwaan gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar.
Musharixiinta xilka Madaxweynaha waxaa ku jira kuwo taageero Dhaqaale ka helay Dowlado iyo Hay’addo Caalami, kuwo siyaabo kale ku helay Kharajkaasi iyo kuwo Jeeble Musharax ah oo aan awoodi karin inay bixiyaan Kharajkaasi.
Waxaase is-weydiin Kharajka ka soo xerooda Is-diiwaangelinta Musharixiinta waxa lagu fulin doono iyo cidda damaanad-qaadaysa in kharajkaasi lagu shubi doono Qasnadda Qaranka ee horey loo baal-siiban jirey.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa suurto-gal ah inay Madaxda Madasha Qaranka dib u eegaan Kharajkaasi, maadaama xubno ka tirsan Madasha yihiin Musharixiin u taagan xilkaasi.
©Radio Dalsan