Jeneral Goobaanle iyo 7 ka mid Ilaaladiisa oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho.

Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciiddamadda Dowladda Federalka, Jeneral Maxamed Jimcaale Rooble “Goobaanle” iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday qarax Is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Jidka Wershadaha ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inuu Jeneral Goobaanle ku geeriyooday Is-qarxin ka dhacday inta u dhexeysa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xeraddii Guul-wadaayasha ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in gaari noociisa ahaa CARIB oo laga soo buuxiyey Waxyaabaha qarxa lagu dhuftay Gaariga uu la socday Jeneral Goobaanle, halkaasi oo uu ka dhacay qarax weyn oo ay isaga iyo qaar ka mid ah Ciiddankii la socday ku geeriyoodeen.

Allaha U Naxariistee, Jeneral Maxamed Jimcaale Rooble “Goobaanle” waxa uu horey uga badbaaday Qarax bishii November 13-dii ee sannadkii hore lagula eegtay xilli uu marayey Deegaanka Marin-gubaa oo ku taalla duleedka magaalladda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor