Guddoomiyaha Degmadda C/casiis, Cismaan Muxiyadiin ayaa u xaqiijiyey Saxaafadda inay Ciiddanka NISA gacanta ku dhigeen Haweeney la sheegay inuu u dhaxo Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab, waa sid uu hadalka u dhigay.
,Guddoomiyaha Degmadda C/csiis ayaa sheegay in Haweeneyda lagu hayo Baaritaano, oo wax la weydiinayo, lamana shaacinin dalka uu u dhashay Ninkeeda.
Dhinaca kale, Saraakiisha NISA ayaan weli shaaca ka qaadin Haweeneyda ay soo qabteen iyo dalka uu u dhashay ninkeeda.
©Radio Dalsan