[DEGDEG]:- Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka oo la doortay.

Wararka ka imaanaya xarunta ay ka socoto doorashada gudoonka aqalka sare ee baarlamaanka ayaa sheegaya in hada ay dhacday doorashadii ugu dambeysay ee gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare.

Doorashadaan ayaa aheyd tii ugu adkeed waxaana loo baahday dhowr wareeg kedib markii tartamayaasha qaarkood ay ku soo baxeen wereegyadii ugu dambeyay.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ayaa loo doortay Mowliid Xuseen Guhaad oo 28-cod halka waxaana uu ka guuleystay C/kaafi Macalin oo aad ugu soo dhawaaday marka loo eego tirada codadka uu helay oo ahaa 24-cod.

Baarlamaanka aqalka sare ayaa gelinkii hore ee maanta waxa ay doorteen gudomiyaha koowaad ee aqalka sare waxaana noqday C/Xaashi C/laahi,Sidoo kalana waxa isaguna gudoomiye xigeenka koowaad ku soo baxay Abshir Maxamed Axmed Bukhaari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor