DEGDEG: Doorashada Aqalka Hoose oo haatan ka socota Xarunta Gaadiidka Boliska ee Muqdisho

Xarunta Gaadiidka Boliska ee Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdisho waxaa barqanimadii maanta ka bilaabantay Doorashadda Musharixiinta Beesha Dir-Saleebaan uga mid noqon doona Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Ilaa 3 Musharax ayaa maanta ku tartami doonta Kuraastaasi, iyadoo Kursiga Koowaad haatan loo codeynayo, iyagoo ay ku loolamayaan Musharixiinta kala ah:

  1. Musharax Mahad Cabdalla Cawad oo ah G/Xigeenkii Labaad ee Barlamaanka Federalka,
  2. Musharax Xasan Maxamed Nuur, iyadoo Musharaxa 3-aad ee Maxamed Axmed Cawid shaaciyey inuu u tanaasulay Musharax Mahad Cabdalla Cawad.

Haatan waxaa tartamayo Musharixiinta Mahad Cabdalla Cawad iyo Xasan Maxamed Nuur, waxaana la filayaa inay Guddiga Doorashadda dhaawaan tiriyaan Codadka, kuna dhawaaqaan Natiijadda Musharaxa ku soo baxay Kursiga Koowaad.

WQ. Saleebaan Xaaji Axmed Raage.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor