Mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho waxa iminka kulan deg deg ah ku leh Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa laga soo doortay deegaannada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya,iyaga oo uga hadlayo mooshinkii laga gudbiyay gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa Xildhibaanada lagas oodoortay Koonfur galbeed,waxa ay dood dheer akdib la filayaa in ay ku soo bandhigaan mowqifkooda ku aadan sida ay u arkaan mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari.
Warar aan helany ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka haatan uu yahay mid gaba gabo ah,isla markaana Goordhow ay qodobo ka soo saari doonaan,iyada oo wararka qaar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay taageeri doonaan mooshinka laga gudbiyay gudoomiyaha.
Goordhow la socda faah faahinta Warkaan.