DEG DEG: Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Codka kalsoonida siiyay RW Xamse Barre

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Codka kalsoonida ah siiyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre oo uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qaab gacan taag ah Codka kalsoonida ah ku siiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, si uu u soo dhiso Xukuumadda cusub ee dalka, taasi oo horyaalan shaqooyin dhowr ah oo laga doonayo inay soo qabtaan.

Ma jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo uu 15-kii bishaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo la dhaariyey ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ansixiyey, wuxuuna sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad khibrad leh oo lagu soo xulay aqoon, hufnaan iyo waayo-aragnimo.

Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka SOomaaliya ee Codka kalsoonida ah lagu siinayay Xamse Barre ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 220 Xildhibaan, kuwaasi oo ansixiyey Ra’iisul Wasaaraha la magacaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor