Deg Deg: Xildhibaan ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaweyd lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xildhibaanka La Dilay ayaa Magaciisa Waxaa Lagu Sheegay Aadan Xaaji waxaa sidoo kale geeriyooday darawalkii Waday Gaariga uu Saarnaa Xildhibaanka.

Raga dilka Geestay oo watay gaari ayaa waxaa ay ka baxsadeen goobta ay falka ka geesteen.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Goobta Gaaray iyada oo la soo warinaayo in baaritaano ay Wadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor