DEG DEG:-Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Goordhow waxa ay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildihaab ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dilka uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmadaasi,isla markaana loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cilmi Boqore,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa oo watay gaari ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka Xildhibaanka.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in la qabtay ragii ka dambeeyay dilkaas ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media